Daawo Sawirada Xulalka Ciyaartoyda kubada Cagta ee matalaya Hobyo ...

Daawo Sawirada Xulalka Ciyaartoyda kubada Cagta ee matalaya Hobyo Cadaado  iyo oo Gaalkacyo si wayn loogu soo Dhaweyay

0
SHARE

Xulalka kubada Cagta ee matalaya Dagmada Cadaado  iyo Hobyo  ayaa  soo gaaray Magalada Gaalkacyo kuwaasi oo ka qeyb galaya Koobka Dagmooyinka Galmudug oo maalinta Axada ah ka furmaya Garoonka Kubada Cagta ee Cabdulaahi Ciise Stadium.

Duleedka Gaalkacyo ayaa kooxda ka socotay Cadaado waxaa ku soo dhaweysay Masuuliyiinta Dagmada Gaalkacyo iyo dhalinyaro badan

Tartanka oo lagu wado inuu si rasmi ah u furmo Maalinta Berri ah,waxaa ka qayb gali doona Degmooyinka kala ah,Cadaado,Dhuusomareeb,Hobyo,
Cabudwaaq,Balanballe iyo Gaalkacyo oo Tartanka martigalinaysa waxaana Gaaalkacyo ku wada Sugan guud ahaan ciyartoyda la wada Sugayay 

Sidookale Furitaanka Tartanka waxaa ka qayb gali doonna Maamulka Degmda Gaalkacyo,Xiriirka Kubadda Cagta Galmudug,Wasaaradda Ciyaaraha Galmudug Xubno ka socda Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya iyo Marti Sharaf kasoo qayb gali doona Furitaanka Tartanka.

LEAVE A REPLY