DEG DEG:-Ciidamada Dowladda Oo Muqdisho Ku Toogtay Nin Hubeysanaa

DEG DEG:-Ciidamada Dowladda Oo Muqdisho Ku Toogtay Nin Hubeysanaa

0
SHARE

War goordhow soo gaarey  Hobyomedia  ayaa waxa uu sheegayaa in Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ay Xaafada suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid ku toogteen Nin hubeysan.

Ninka ayaa goobjoogayaal waxa ay sheegeen in uu markii hore,isaga iyo rag kale oo hubeysnaa ay askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda ku dileyn Isgoyska darjiinka balse,ciidamo ka tirsan dowladda oo goobta ka agdhawaa ay eryadeen, kadibna mid ka mid ahaa Ragga dilka geystay lagu diley meel u dhow Xarunta degmada Yaaqshiid sida uu sheegay qof goobjoog ka ahaa.

Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowlada ayaa goobta dilka ka dhacay soo gaarey,waxana haatan ay wadaan howlgallo baaritaano ah,waxana wararka qaar ay sheegayaan in raggi dilka geystay mid ka mid ah ay ciidamadu qabteen.

Wararka ku soo kordha kala socda

LEAVE A REPLY