DHAGEYSO: Fu’aad Shongole Oo Hadal Aysan Al Shabaab Ku Farxin Ku Dhawaaqay

DHAGEYSO: Fu’aad Shongole Oo Hadal Aysan Al Shabaab Ku Farxin Ku Dhawaaqay

0
SHARE

Isagoo Ka hadlayey Munaasabad ka dhacday Baadiyaha Gobolka Gedo ayuu Fu’aad Maxamed Khalaf Shongole ayaa waxa uu soo hadal qaaday dabar go’a ku socda Hogaamiyeyaasha Shabaab.

Waxa uu Fu’aad Shongole sheegay in aysan ka daali doonin soo saarida kuwii booskooda badeli lahaa sida uu warka u dhigay.

Ninkaan oo qeybta Dacwada iyo soo jiidashada dhalinyarada u qaabilsan Shabaab ayaa waxa uu dadka ugu baaqay inay Barashada diinta islaamka ay ku dedaalaan.

Fu’aad Maxamed Shongole oo dhalashada Canada heystay balse Sanado ka hor Soomaaliya uyimid inuu dagaalka Shabaab taageero waxa uu dhowr mar ka bad baaday isku day dil.

Ma Jecla Shabaabku Madaxdooda in hadalo niyad jab gelin kara dagaalyahanadooda lasoo bandhigo,xilli Fu’aad Shongole uu qiray in ay sii dhimanayaan Hogaankii Isku Hayey Shabaabka.

Labadii Nin Ee Shabaabka Hogaaminayey Aadan Xaashi Ceyroow iyo Axmed Cabdi Godane oo la dilay ayuu lasoo shaqeeyey,isagoo hadana saaxiib dhaw la ah Axmed Diiriye Abu Cubeyda oo ah Madaxa ugu sareeya Ururka Al Shabaab.

LEAVE A REPLY