DHAGEYSO: Gen, Gorod Oo Sir Badan Banaanka Keenay Markii Uu Maanta Xilka...

DHAGEYSO: Gen, Gorod Oo Sir Badan Banaanka Keenay Markii Uu Maanta Xilka Wareejinayey

0
SHARE

Taliyihii Hore Ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/weli Jaamac Gorod ayaa waxa uu maanta xilka ku wareejiyey Taliyaha Cusub Ee dhawaan Lasoo magacaabay.

Gen. Gorod oo muddo Sanad ah Xilka heynin ayaa waxa uu ku faanay wax badan inuu qabtay iyo dib uhabeyn Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ku shaqeeyo.

Waxa uu sheegay in Siyaasad liidata aysan Amniga waxba ka badeleynin uu ula jeeday Mucaaradka Siyaasiyiinta ah oo aan laga qancin wax tabashada ay farta ku fiiqayaan.

Sidoo kale waxa uu ka hadlay qaabka loola socon jiray Ciidanka inaysan Hubkooda iibsan taasi oo caqabad weyn aheyd,ayna Qalab u isticmaaleen Xakameynta Askariga iyo Qorigiisa,sida uu yiri Gen. C/weli Gorod.

Iyadoo Uu sidaas leeyahay ayaa hadana shabaab waxay soo bandhigeen Maalin ka hor Ciidan ku labisan Dareeska Guutada 14 Oktober Ee Dawlada Soomaaliya oo shaki badan keentay in si dhaw Shabaab iyo Saraakiil dawlada ah xiriir uleeyihiin.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA:

LEAVE A REPLY