Dhageyso: Hub Uruursi Ka Dhex Socda Beelaha Xawaadle & Habar Gidir ...

Dhageyso: Hub Uruursi Ka Dhex Socda Beelaha Xawaadle & Habar Gidir Maxay Tahay Sababtu?

0
SHARE

Xaalad aan fadhin degganaashiyaheeda ayaa laga soo sheegayaa Deegaanka Banyaaleey Ee Hoostagta Degmada Matabaan Ee Gobolka Hiiraan.

Dhowr mar ayaa dagaal beeleed uu ka dhacay Deegaankani oo udhaxeeyey maleeshiyaad ku kala abtirsada Xawaadle iyo Ceyr.

Waxa lagu isku hayo ayaa ah daaqa iyo ceel biyaha laga cabo iyadoo marar badan la isku dayey xal ka gaaris balse ay soo laab laabteen.

Hadda waxaa la dareemayaa isku hub uruursi ay sameenayaan Maleeshiyaadka deegaankani isku hayo lagana digay Colaad mar kale la abaabulo.

Oday dhaqameed kasoo jeedo mid ka mid ah Maleeshiyaadkaasi ayaa HirShabelle iyo Galmudug ugu baaqay inay soo fara geliso Xiisadaan oo Xal nabadeed ayuu Codsaday in Beelaha ay wax walbo ku dhameeyaan.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

LEAVE A REPLY