Hindiya Oo Meel Marisay Sharci Lagu Ciqaabayo Burcadbadeeda Soomaalida

Hindiya Oo Meel Marisay Sharci Lagu Ciqaabayo Burcadbadeeda Soomaalida

0
SHARE

Golaha wasiirada ee dalka Hindiya ayaa dhawaan ansixiyay sharci lagu ciqaabayo kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ah ee afduubka u geysta Maraakiibta marta meelo ka baxsan biyaha Soomaaliya.

Sharciga cusub ee ciqaabta ah ayaa waxaa lagu sheegay in uu yahay xukun dil ah ama mid xabsi daa’in ah, sida ay xaqiijiyeen madax ka tirsan dowladda Hindiya.

Dowladda Hiindiya ayaa u jeedka ay u meel marisay sharcigaasi ku sheegtay, si ay u xaqiijiso ammaanka Maraakiibteeda, sida u uu sheegay telefishinka NDTV ee ka howl gala dalka Hindiya.

Ciidamada badda dalka Hindiya ayaa sanadkii hore qeyb ka ahaa howlgalada la dagaalanka Burcadbadeeda Soomaalida,iyadoo Maraakiib ay leeyihiin howlo roondooyin ah ka sameeyeen badweyn Hindiya.

Wasiir ka tirsan dalkaasi ayaa horay u sheegay in kooxaha Burcadbadeeda ay weerarada Maraakiibta u weeciyiin gacanka cadmeed, gaar ahaan meel ku dhaw Hindiya.

Sanadkii hore ayaa waxaa kooxaha Curcadbadeed Soomaalida ah ay qafaasheen Markab xamuul ah oo ay leedahay Hindiya, kaasoo isaga kala gooshayay dalalka Imaaraadka carabta iyo yemen.

LEAVE A REPLY