Isku-Shaandeyn Golaha Wasiirada Lagu Sameeyey Iyo Goodax Oo Loo Magacaabay Wasiirka Waxbarashada

Isku-Shaandeyn Golaha Wasiirada Lagu Sameeyey Iyo Goodax Oo Loo Magacaabay Wasiirka Waxbarashada

0
SHARE

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa magacaabis Wasiiro cusub iyo Iskushaandheyn loogu sameeyay qaar kamid ah Golaha Wasiirada.

Xildhibaan C/llaahi Goodax Barre  ayaa loo magacaabay in uu noqdo Wasiirka Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya, halka Wasiirka Xanaanada Xoolaha isna loo magacaabay Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen Badni.

Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale Sheekh Nuur Maxamed oo horey u ahaa Wasiirka Xanaanada Xoolaha loogu magacaabay in uu noqdo Wasiirka Diinta, Awqaafta iyo Arimaha Diinta Xukuumada Soomaaliya.

Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale xilka ka qaaday Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka dalka  C/raxmaan Cabdi Xaashi, waxaana Wasiirka Cusub ee Kaluumeysiga loo magacaabay C/llaahi Bidhaan Warsame.

Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale xilka looga qaaday Wasiiru-dowlihii Madaxtooyada Soomaaliya C/qaadir Macalin Nuur, waxaana Wasiiru Dowlaha Cusub ee Madaxtooyada loo magacaabay C/Qaadir Sheekh Bagdaadi

LEAVE A REPLY