Sargaal Katirsanaan Jiray NISA Oo Sheegay In Shabaab Leeyihiin Wasaarad La Shaqeysa

Sargaal Katirsanaan Jiray NISA Oo Sheegay In Shabaab Leeyihiin Wasaarad La Shaqeysa

0
SHARE

Xarun Lagu Magacaabo Hiraal ayaa waxay soo bandhigtay Daraasad ay sameeyeen ay ku ogaadeen in Manaahij gaar ah ay Shabaabka sameysteen oo ay ku baahinayaan Dalka.

Xuseen Macalin Maxamuud oo Ah Agaasimaha Xarunta Hiraal ayaa waxa uu lasoo shaqeeyey xilalna kasoo qabtay Hay’ada Sirdoonka iyo nabad Sugida Soomaaliya,isagoo xitaa La taliye Madaxweyne mar soo noqday.

Waxa uu Xuseen si qayaxan uga waramay in Carruurta Shabaab maskaxda ka khaldaan si Mabda’ooda ay ku bacrimiyaan oo inta San keliya la tuso Xumaantana laga oodo qalbigooda iyo dhagahooda.

Xarunta Hiraal ayaa waxay sheegtay in Al Shabaab ay dadka ku qasbaan in Carruurta yar yar u keenaan kadibna ay iyagu wax baraan oo ay gaartay in Qof Masjid ku tukanayey la dilo,sida ay iyaga u arkaana ay la saxan tahay.

Xuseen Macalin ayaa sheegay in Shabaabku adeegsadaan Wasaarad ay leeyihiin oo Manaahijtaasi hormarinteeda uqaabilsan taasi oo ay ka baqanayaan in Muqdisho iyo meelo kale lagu baahiyo

LEAVE A REPLY