Warar ku Sabsan Ciidamada Liyuu Booliska Ethopia oo ka Baxay deganka...

Warar ku Sabsan Ciidamada Liyuu Booliska Ethopia oo ka Baxay deganka kaxandhaale ee gobolka galgaduud ee galmudug Kadib Markii Xalada Jigjiga ay sii Xumatay

0
SHARE

Sidaas waxaa noo xaqiijiyay dadka deegaanka kaxandhaale oo sheegaya in wixii ka danbeeyay isbadalkii maamulka DDSI oo xilka uu baneeyay madaxweynihi hore cabdi maxamed cumar ciidamada liyuu boolis ee ku sugnaa muddo sanado ah deegaanka kaxandhaale ee waqooyiga galgaduud bilaaabeen iney iskaga huleelaan”

Mid ka mid ah dadka aan qadka ayaa yiri “Saraakiishii hogaanka u heysay ciidanka liyuu booliska oo waxay daad guriyeen dhamaan wixii saanad milatari oo hub iyo gaadiid ah ee saldhigyada xuduudaha aaga kaxandhaale.

waxaana tilaabadan soo dhaweeyay dadka deegaankaas oo u arka iney culeys laga dul qaaday kaasi oo laga dareemayay Deegaankaasi.

dhibaato isku jirta dil barakac iyo burburin hanti ayay liyuu boolis ugeysteen dadka xoolo dhaqatada ah ee aaga kaxandhaale,miri cawleed,deeqlo oo hoos taga degmada galinsoor gobolka galgaduud ee galmudug.

LEAVE A REPLY