Warar Shegaya Ciidan Xoog Leh Oo Galay Diri Dhabe iyo Xalada...

Warar Shegaya Ciidan Xoog Leh Oo Galay Diri Dhabe iyo Xalada Deganka Somalida Ethopia oo wali Kacasn

0
SHARE

Waxaa weli Xaalad Amni daro ah ay ka taagan tahay Magaalada Diri dhabe Ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Rabshado Dhiig uu ku daatay ayaa ka bilowday Maanta Magaaladaasi,kuna darso Magaaladaasi waxa ka dhacay Shir weyne looga soo horjeeday Hab Maamulka Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.

Dhalinyaro Soomaali ah iyo Qowmiyado Halkaasi degganaa ayaa gacanta iskula tagay,waxa lagu dagaalamayo ayaa ah Faas,Baangado iyo Budad.

Khasaaro kala duwan ayaa ka dhashay oo dhimasho iyo Dhaawac Ah,lama ogaan karo tirada waxyeeladu ay gaarsiisan tahay.

Xaafada Ashaawa oo Diri dhabe ah iyo Xaafada Ciise ayaana rabshadaha Xoogooda ay ka jiraan,waxaana duhurnimadii Ciidanka Booliska Federaalka Itoobiya Ee Ka hortega Rabshadaha ay galeen Magaalada oo ay doonayaan in Xasilooni kusoo celiyaan Amniga.

Dhinaca Kale waxaan la ogeyn meesha ay aadeen Xubnihii uu ka mid ahaa C/rashiid Cali Shucaac oo Diri Dhabe ku shirayey maalmahaan ayaa amnigooda la sugay si aysan dhibaato u gaarin.

LEAVE A REPLY