XISBIYADA MUCAARADKA AH OO KA HADLAY CODSIGII MADAXWEYNE FARMAAJO EE CUNAQABATEYNTA ERITREA.

XISBIYADA MUCAARADKA AH OO KA HADLAY CODSIGII MADAXWEYNE FARMAAJO EE CUNAQABATEYNTA ERITREA.

0
SHARE

War Saxaafadeed ay wadajir usoo saareen Xisbiyda: Daljir,Kulan, Wadajir iyo kutlada Horusocod ayay uga hadleen baaqii Todobaadkii hore ka soo baxay Madaxweyne Farmaajo ee la xiriiray in Cunaqabateynta laga qaado Dowladda Eritrea.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Asmara xiligaas ka sheegay inuu ka codsanayo Qaramada Midoobe in ay qaado cunaqabateynta Saaran Xukuumadda Asmara tan iyo sanadkii 2009.

Xisbiyadan, waxey tilaabo aan ka fiirsi leheyn oo niyad jab ku ah Jamhuuriyada Jabuuti oo saaxiib dhow la ah Soomaaliya ku tilmaameen baaqii Madaxweynaha Soomaaliya, Waxeyna soo dhaweeyeen in dib loo soo nooleeyo xiriirkii Soomaaliya iyo Eritrea.

War Saxaafadeedka ay soo saareen Siyaasiyiinta iyo Xisbiyada mucaaradka ah, waxey sidoo kale ku sheegeen in Dib usoo celinta Xiriirka Eritrea ay la leheyd Soomaaliya iyo Jabuuti aaney ku filneyn oo kaliya hal kulan, taasoo xal ukeeni karin Khilaafka sanadaha soo jiitamayay.

Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Amb. Aadan Xasan Aadan ayaa subixii Arbacada  ka dhoofay magaalada Muqdisho, inkastoo aan si rasmi loo sheegin sababta iyo in ay la xirriirto walaaca Jabuuti ka qabto Safarkii Madaxweyne Farmaajo ee Eritrea.

http://i0.wp.com/www.jowhar.com/wp-content/uploads/2018/08/

LEAVE A REPLY