XOG: Axmed Madoobe oo ku dhow inuu ku Dhawaaqo Go’aan ka dhan...

XOG: Axmed Madoobe oo ku dhow inuu ku Dhawaaqo Go’aan ka dhan Farmaajo iyo Kheyre

0
SHARE

Warar hoose oo ay heleyso  Warbaahinta ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed madoobe uu ku dhow yahay inuu qaato go’aan uu gabi ahaanba xiriirka ugu jarayo Dowlada ay hoggaamiyaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Axmed Madoobe ayaa Madaxda Dalka ku eedeynaya inay kaalin muuqata ku leeyihiin kacdoonka looga soo horjeedo Maamulkaasi, iyagoo qeybo ka mid ah Gobalka Gedo ay ka socdaan Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada Madaxweyne Madoobe.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa hore u sheegay in xiriir wada shaqeyn ah uusan la yeelaneyn Dowlada Farmaajo hadii aanan la sixin Khaladaadka uu ku kacayo Madaxweynaha oo go’aamo adag iska qaadanaya balse hada xiisada way sii xoogeysatay.

Si kastaba ha ahaatee Xiisadan ka dhex taagan Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe ayaa sii xumeyneysa xiriirka liitay eek a dhaxeeyay Madaxda Dowlad Gobaleedyada iyo Dowlada Federaalka, iyadoo dhawaan lagu wado inay Madaxweynayaasha maamul Gobaleedyada kulmaan, waxaana laga filan karaa go’aan qaraar inuu kasoo baxo kulankooda.

LEAVE A REPLY