XOG: Beesha Abgaal oo Farmaajo ku Cadaadineysa inuu Xilka ka qaado Masuul...

XOG: Beesha Abgaal oo Farmaajo ku Cadaadineysa inuu Xilka ka qaado Masuul caan ah

0
SHARE

Warar hoose oo ay heleyso  Saxaafada  ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng Cabdi raxmaan Cumar Cismaan Yariisow uu iscasili doono Maalmaha soo socda ka dib heshiis dhex maray Beesha Abgaal iyo Madaxweyne Farmaajo.

Beesha Abgaal ayaa saluugsan Guddoomiye Yariisow waxayna Madaxweyne Farmaajo u cadeeyeen in Labada sano ee dowladiisa ka harsan aysan u baahneyn xilka ka weyn Guddoomiyaha Gobalka Banaadir sidaas darteedna ay keensanayaan shaqsi ay ku kalsoon yihiin.

Inkastoo aanan la ogaan shaqsiga ay wataan beesha Abgaal hadana waxaa la isku raacay inuu iscasilo Guddoomiye Yariisow oo maalmaha soo socda xilka baneynaya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku qasbanaaday inuu aqbalo dalabka Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Abgaal ka dib markii ay hordhigeen khaladaad badan uu ka galay Eng Yariisow.

LEAVE A REPLY