XOG: Beesha Habargidir oo Diidan in Kheyre uu ka qaado Kursi Wasiir...

XOG: Beesha Habargidir oo Diidan in Kheyre uu ka qaado Kursi Wasiir ay heystaan

0
SHARE

Xog gaara oo ay heleyso Wakaalada hobyomedia.oom  ayaa sheegeysa in Beesha Habargidir ay ka gadoodsan tahay Isku shaandheyn uu doonayo inuun sameeyo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

Xasan Cali Kheyre ayaa doonaya inuu xilalka ka qaado qaar ka mid ah Wasiirada Xukuumadiisa, isagoo doonaya inuu isbedel ku sameeyo Wasaaradaha qaar oo shaqooyinkii uu ka doonayay aanan si fiican u qaban.

Beesha Habargidir ayaa diidan in laga qaado xilka ay hada hayaan ee Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, iyadoo Kheyre uu doonayo inuu u bedelo Wasaarad kale.

Wasaaradda ay kasoo horjeedaan Beesha Habargidir ee Kheyre uu doonayo inuu u magacaabo ayaa lagu sheegay inay tahay Wasaaradda Arrimaha Dibada maadaama shaqsiyaadka Xilalka weynaya uu ku jiro Wasiirka Arrimaha Dibada.

Wasiirada la filayo in Xilalka laga qaado ayaa kala ah Wasiirka Arrimaha Dibada, Wasiirka Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, Wasiirka Haweenka iyo xuquuqul Insaanka Deeqo Yaasiin Xaaji, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wasiirka Batroolka Cabdirashiid Maxamed Axmed.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa wada tashiyo kala sameyn doona Isku shaandheynta Xukuumadda uu ku sameynayo Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana laga yaabaa inay si hoose u qanciyaan Tabashada ay qabaan Habargidir maadaama Madaxweyne Farmaajo uu si weyn u tixgaliyo codsiyada Beelaha waa weyn, isagoo doonaya inay taageero joogto la garab istaagaan Dowladiisa.

LEAVE A REPLY