XOG: DFS Oo sii deysay Madaxdii ugu Badneyd Al-Shabaab Ee Xabsiyada ku...

XOG: DFS Oo sii deysay Madaxdii ugu Badneyd Al-Shabaab Ee Xabsiyada ku jiray

0
SHARE

Dhamaadkii sanadkii 2017-dii Ciidamada Amaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya  ayaa Howlagl balaaran ka sameeyay Xaafado badan oo ka tirsan Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Howlgalkaas ay ciidamada ku baadi goobayeen Dagaalamayaal iyo Saraakiil Al-Shabaab ka tirsan waxaana  ciidamada u suurto gashay in ay gacanta ku soo dhigaan rag ka tirsan Al-Shabaab.

In ku dhow 27 oo 5 ka mid ah ay ahaayeen Saraakiil Al-Shabaab oo kala ahaa Madaxii  Maaliyadda, Madaxii Amniyaadka, Madaxii Howlgalada, Madaxii Dacwada iyo Madaxii Muqaabaraadka ayeey soo qabteen ayeey soo qabteen Ciidamada Amaanka.

Ciidamada Howlgalkaas sameeyay waxaa ay ka tageen Magaalada Muqdisho iyagoo ku guuleysatay in Degmada Afgooye ay ka soo qabqabtaan ragii Magaaladaas dilalka ka fulinayya xiligaas.

Balse mudo kadib dhamaan Madaxdii Al-Shabaab u qaabilsanaa Degmadaasi ayaa Dowladu soo daysay oo lagu arkay Degmada Afgooye kuwaas oo halkaas ka sii bilaabay Howlihii ay shabaab ugu qaabilsanaayeen.

Saraakiishaas waxaa ka mid ah Madaxa Howlgalada Al-Shabaab Ee Afgooye Aweys Khadar Axmed kan Maaliyadda oo magaciisa lagu soo koobay Cabaas Madaxa Sirdoonka oo isna lagu soo koobay Magaciisa Camaar.

Camaar dadka Degmada Afgooye waxaa ay ku sheegaan in uu yahay ninka ay ugu cabsida badanyihiin oo dadka degmadaas ay ka baqaan sababtoo ah waa nin mudo ka mid ahaa Al-Shabaab.

Sidoo kale waa Madaxa dhan Ee Al-Shabaab u qaabilsan dhanka wardoonka ama raga aminiyaadka qofka ay dilayaan ninka warkiisa keena oo soo jaajuusa.

Waxaa Horjooge Camaar lagu Eedeeyaa dhowr kiis oo degmadaas uu dad shacab iyo saraakiil dil loo geystay uu fududeeyay, sida Sargaal ka tirsanaa Wasaarada Amniga iyo Sargaal ka tirsanaa NISA oo seedigiis ahaa.

Mudo 3 bil ku dhawaad oo ragan ay Dowlada Federaalka ay gacanta ku heysay waxaa Magaalada Afgooye xaaladeeda ay aheyd mid degan oo wax Dil,Qarax ama Weerar toos ah kama dhicin.

Balse Markii ragaan DF soo deysay ayaa Magaalada waxaa halkeeda ka sii socday dilalka iyo Qaraxyada waxaa sidoo kale kordhay weerarada tooska ah Ee Shabaab magaaladaas ku soo qaadaan.

Badi dhalinyaradii Magaaladaas Ee Ku taamayay in ragan ay wajihi doonaan xukun Cadaaladeed ayaa naftooda kala soo baxsaday Afgooye iyagoo cabsi ka muujiyay arrintan dhacday.

Dhawaan Dowlada Federaalka Soomaaliya Ciidamo ay soo dirtay ayaa Afgooye ka sameeyay Howlgal balaaran oo lagu soo qabtay Horjoogayaal Al-Shabaab ka tirsan iyo Dhowr Dagaalame.

Laakiin Shacabka Degmada Afgooye ayaa hadal haya qabashada ragaan iyo waxa ay kabadeli doonto  Amaanka Degmada Afgooye oo 4 habeen ka hor la weeraray.

LEAVE A REPLY