XOG: Farmaajo iyo Kheyre oo Madaxweynaha Galmudug u Diiday Lacago uu ka...

XOG: Farmaajo iyo Kheyre oo Madaxweynaha Galmudug u Diiday Lacago uu ka Dalbaday

0
SHARE

Warar hoose oo ay heleyso Wakaalada  hobyomedia.com  ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ay Madaxda Dowlada Federaalka u diideen Lacago uu ka dalbaday.

Xaaf ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre ka hor inta uusan dib ugu laaban Galmudug, wuxuuna ku guuldareystay Qorshaha uu Muqdisho u yimid oo ahaa inuu lacago Maalgalin ah ka helo dowlada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si cad ugu sheegay Xaaf in dowlada aysan awoodin inay fuliso dalab uu hordhigay balse ay siinayaan lacaga uu xaqa u leeyahay Maamulka Galmudug, wuxuu Xaaf si caro leh kaga baxay Kulanka, isagoo sheegay in Dowlada lacaga ay ka codsaneyso Galmudug ay siiso Puntland iyo Jubbaland.

Madaxweyne Xaaf ayaa wararka qaar waxay sheegayaan inuu shaki weyn ka qabo Madaxweyne kuxigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo qorshahan waqti horeba usii gudbiyay Madaxda Dowlada Federaalka.

Wararka qaar ee la helayo ayaa sidoo kale sheegaya in Ra’iisul wasaare Kheyre uu kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne kuxigeenka Galmudug iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, isagoona kala hadlay sidii loo soo afjari lahaa khilaafaadka raagay ee u dhaxeeya Madaxda Galmudug.

Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Xaaf oo markii uu ku laabtay Galmudug Shir jaraa’id qabtay ayaa Saxaafada u sheegay in Dowlada Soomaaliya ay musuq maasuqday lacago ay xaq u laheyd Galmudug, isla markaana ay gacan bidixeysay.

LEAVE A REPLY