Xogta ku saabsan Sarkaal sare oo ka tirsana Kooxda Al-shabaab...

Xogta ku saabsan Sarkaal sare oo ka tirsana Kooxda Al-shabaab oo Muqdisho lagu qabtay

0
SHARE

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo Howlgal ka sameeyay Xaafad ka mid ah Degmada Wadajir,ayaa waxa la shegay in ay ku soo qabteen Sarkaal ka tirsan Kooxda Al-shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/Raxmaan Cumar Cismaan (Eng Yarisoow),ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka oo kaashanaya Shacabka Wadajir ay Gacanta ku soo dhigeen Sarkaal ka tirsan Kooxda Al-shabaab,inkasto uusan Guddoomiyaha shaacin Magaciisa Sarkaalka la qabtay iyo waxa uu Al-shabaab u qaabilsanaa.

Guddoomiye Yarisoow,ayaa sheegay in uu u Mahad Celinayo Shacabka Wadajir sida ay laamaha Ammaanka ay ugu soo war geliyeen Sarkaalkan ka tirsan Al-shabaab,kaa oo ku dhuumaaleysanayay Xaafad ka tirsan Degmada Wadajir,waxa uuna bogaadinayay sida ay mar walba ay ula shaqeyaan Ciidanka Ammaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sikastaba ha ahaate wali wax war ah kama aysan soo Kooxda Al-shabaab oo ku aadan Sarkaalka Maanta ay Ciidamada Dowladda ay ku qabteen Xaafad ka tirsan Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY