Abaabul dagaal oo laga dareemayo qeybo ka mid ah Ceelbuu r iyo...

Abaabul dagaal oo laga dareemayo qeybo ka mid ah Ceelbuu r iyo Ciidanka Galmudug iyo kuwa Somalia oo……

0
SHARE

Ciidamada xoogga dalka ayaa waxaa ay wadaan dadaalo ku aadan sidii ay dib xoriyadooda u heli lahaayeen odayaal ay shabaab dhawaan ka ka qafaasheen  degaanka Gal-qoryaale oo  ka tirsan gobalka Galgaduud.

G/dhexe  C/qaadir Maxamed Cartan Taliyaha howl-gallada qaybta 21aad, ee Ciidamada Xoogga Dalka  Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in ay socdaan qorshayaashii ugu dambeeyay ay Al-Shabaab ugu soo furan lahaayeen odayaasha ay afduubka ku haystaan.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dhawaan ay ku wajahan yihiin degaano ka tirsan degmada ceelbuur ee gobalka galgaduuud,islamarkaana ay halkaasi Al-Shabaab ka saari doonaan,maadaama la sheegay in odayaasha loo ka xaystay dhanka iyo degmadaasi.

Warar ay heshay Hobyomedia.com  ayaa sheegaya In Ciidamada Xooga ay wadaan abaabul dagaal ,kaasi oo ay ku doonayaan in ay Al-Shabaab xoog ugu soo furtaan odayaal ay ku haystaan qeybo ka mid ah gobalka Galgaduud.

Todobaadkan bilowkiisa ayay aheyd markiii Dagaalamayaasha  Al-Shabaab ay 69 Qof oo u badan Odayaal ka qafaasheen deegaanka Gal-qoryaale ee gobalka Galgaduud.

LEAVE A REPLY