Akhriso :Madaxda Dowlad Gobaleedyada oo xiriirka u jaray Dowlada Dhexe.

Akhriso :Madaxda Dowlad Gobaleedyada oo xiriirka u jaray Dowlada Dhexe.

0
SHARE

War murtiyeed ka soo baxay Madasha dawlad gobaleedyada Soomaaliya oo maalmahan ku shirsanaa  magaalada Kismaayo ayaa ku dhawaqay in ay  hakiyeen  dhamaan wada shaqeyntii ay la lahayeen dawladda Faderaalka Soomaaliya.

Maamul gobaleedya ayaa waxaa ay sheegeen in wadada kaliya ay ku wada shaqeyn karaan dowlada dhexe in ay tahay in  dowlada dhexe ay  joojiso faragelinta maamul goboleedyadda,iyo in la helo Heshiis Damaanad leh oo lagu wada shaqeyn karo.

Sidoo kale  golaha iskaashiga Dowlad gobaleedyada ayaa waxaa ay sheegeen  in dowlada dhexe ay ka  quustay in ay meel mariso heshiisyadii iyo ballamadii horay loo galay,taasi  bedelkeeda ayay maamul gobaleedyada ku tilmaameen in Dowladda Federaalku  wadashaqayntii ka door biday faragelin gurracan oo ay Dowlad Goboleedyada ku hayso sida ay hadalka u dhigeen

Arintan ayaa waxaa ay  ku sheegeen in ay dhaawacayso  kalsoonidii kala dhexeeysay dowlada dhexe iyo Maamul gobaleedyada,iyagoona xusayay in ay dowlada Federaalka ah ay  masuul ka tahay xiriir xumida labada dhinac.

LEAVE A REPLY