Xildhibaanadii Kulanka Ku Lahaa Dh/mareeb Oo War Culus Goordhaw Soo Saaray

Xildhibaanadii Kulanka Ku Lahaa Dh/mareeb Oo War Culus Goordhaw Soo Saaray

0
SHARE

Xildhibaano katirsan Galmudug oo kulan Saacado qaatay ku lahaa Magaalada Dhuuso mareeb ayaa duhurnimadii War Cusub Soo Saaray.

Waxa kulankani uu ahaa mid looga hadlayey Mooshin laga keenay m/weyne kuxigeenka Galmudug iyo Ajande kale oo lasoo gudbiyey.

Gudoomiye kuxigeenka 1aad Ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa waxa uu shir gudoominayey Kulankani islamarkaana qodobo laga soo saaray.

Xildhibaanada ayaa isku raacay in gudiga doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug la magacaabi doono berri oo Isniin Ah.

Sidoo kale Mudanayaasha Galmudug Ee Dh/mareeb ku shiray maanta waxay sheegeen in maalinta Isniinta ah Ee 17 Bisha oo berri ku asteysan ay codka kalsoonida uqaadayaan Madaxweyne kuxigeenka Maxamed Xaashi Carabeey oo ay ku Eedeeyey Ku Takrifal Sharciga Dastuurka Ee Galmudug ku dhaqmeysay.

Xaalada ayaa weli waxay umuuqataa mid ijiid aan ku jiidee Ah oo ka dhex aloosan Xubnaha Galmudug Ee Cadaado iyo Dhuuso mareeb xarumaha ku kala shaqeenaya.

Cida Adkaan doonto iyo Xilka qaadista la sheegay sida ay seeftooda ku rumoowdo ayaa la sugayaa,Geel Carruur Qaaday Ma Foga ayey Soomaaliduna tiraahdaa.

LEAVE A REPLY