Akhriso XOG : Dowlada Federaalka oo Xiisad cusub ka dhex abuureysa Madaxda...

Akhriso XOG : Dowlada Federaalka oo Xiisad cusub ka dhex abuureysa Madaxda M/gobaleedyada

0
SHARE

Xog gaara oo ay heshay Warbaahinta ayaa sheegeysa in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay culeys saari doonto Maamul Gobaleedyada dalka, iyadoo khilaaf laga dhex abuuray Madaxda Hogaamisa Maamulada qaar iyo kuxigeenadooda.

Ka dib markiii shalay uusoo baxay Go’aanka Madaxda Dowlad Gobaleedyada ay ka qaateen Dowlada dhexe, waxaa ka horyimid Madaxweyne ku xigeenada Puntland iyo Galmudug oo Madaxweynayaashooda ay go’aamiyeen inay hakiyeen Xiriirkii Dowlada, iyagoo shuruudo ku xiray.

Warar hoose oo la helayo  Sidoo kale  sheegaya in Dowlada Federaalka ay lacago ku qarash gareyn doonto Xildhibaanada Maamuladaasi oo laga doonayo inay qalqal galiyaan Madaxweynayaasha.

Qorshahan waxaa horkici doona Madaxweyne kuxigeenada khilaafka adag uu kala dhaxeeyo Gaas iyo Xaaf, waxaana dowlada ay dooneysaa inay cadaadiso Maamulada qaar oo hormuud u ah Xiriirka liita ee ka dhaxeeya Dowlada dhexe iyo Dowlad Gobaleedyada.

Sidoo kale waxay wararka intaasi ku darayaan in Dowlada Federaalka ay ka dambeyso Go’aanada ay kaga soo horjeesteen Madaxweyne ku xigeenada Galmudug iyo Puntland go’aan lagu hakiyay xiriirka dowlada, waxaana la sheegay in isla markii ay ka war heshay in go’aankan uusoo baxayo lagu wargaliyay inay kasoo horjeestaan.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Cabdi Xakiin Xaaji Xumar Cameey ayaa sheegay in Go’aanka ay xiriirka ugu jareen Dowladda Dowlad Goboleedyada uu yahay mid ay ku deg degeen,isla markaana Go’ankaas uusan isaga la qabin.

Waxaa la weeydiiyey Su’aal aheyd in Madaxda kale ee Puntland uu kala tashaday,waxana uu sheegay in aysan jirin cid uu kala tashaday,isla markaana xilligaan uu ka soo horjeedo in dowladda Soomaaliya ay Madaxda Maamul goboleedyada xiriirka u jaraan.

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey ayaa isna waxa uu sheegay in waqtigaan aan la joogin xilligii dowladda Soomaaliya xiriirka loo jari lahaa,sila markaana Madaxdii ku shirtay Kismaayo ay Go’aankaas klu deg degeen.

LEAVE A REPLY