Al Shabaab Oo Bililiqeystay Qalab Casri Ah oo yiilay Degano...

Al Shabaab Oo Bililiqeystay Qalab Casri Ah oo yiilay Degano Hoos taga Galmudug

0
SHARE

Deegaanka Galhareri Ee Gobolka Gal gaduud ayaa wararka ka imaanaya waxay sheegayaan in halkaasi Ciidan katirsan Al Shabaab ay bililiqo ka geysteen.

Gaadiid ayey Shabaabku ku rarteen Qalab Caafimaad oo dadka loogu adeegi jiray Deegaankaasi kuwaas oo ay ka qaateen Xarumo Caafimaad.

Lama sheegin halka ay la aadeen Qalabkaasi Shabaabka,balse waxaa lasoo warinayaa in Dawooyin iyo Agab Caafimaad ay ubaahdeen sidaana ku qaateen si xoog ah.

Dadka deegaanka ayaa ka carooday,waxaana meelaha qaar iska abaabulay oo hub lasoo baxay Maleeshiyaad deegaanka ah oo ka hor yimid Awood sheegashada Shabaab wadaan.

Gal hareeri waxay hoostagtaa Maamul Gobolleedka Galmudug balse Awood umalahan inay halkaasi gaaraan oo Shabaab ayaa siday doonaan ka yeesha Halkaas.

Ma jirto war kasoo baxay Galmudug oo xitaa lagu cambaareenayo Falkaasi,iyadoo Shabaabku qudhooda aysan ka hadlin sababta ay Qalabkaasi u rarteen.

LEAVE A REPLY