C/raxmaan C/shakuur oo Go,aan uu Qaatay si kulul Uga Soo...

C/raxmaan C/shakuur oo Go,aan uu Qaatay si kulul Uga Soo Horjeestay

0
SHARE

Siyaasiga sida adag uga soo horjeeda ficilada ay qaadayso dawlada Faderaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADAJIR ayaa si adag u weeraray heshiiska ay kala saxiixdeen Soomaaliya, Itoobiya & Eritrea oo saacado koban gudahood lagu saxixay magaalada Asmara.

”MA DURBA. SUURAGAL MIYAA IN HESHIIS SAACADO GUDAHOOD LAGU SAXIIXO. SOOMAALIYA SAFAARAD KUMA LAHA ERITERIA, LAMANA MAQAL WAFDI HORU DHAC AH OO MADAXWEYNAHA HORTII ASMARA TEGEY KAA SOO DIYAARINTA IYO DOODA HESHIISKA KA QAYB AHAA” AYUU YIRI.

Siyaasigan ayaa shaki galiyey saacadaha kooban ee heshiiska lagu gaaray, wuxuuna sheegay in aan xog laga heynin in wafdi hordhac ah ay arrimaha qeyb ka ahaayeen, balse wuxuu sheegay in ay tanni tahay dhiilo kale oo xiisadeeda wadata.

‘HORAY AYAA HESHIIS KAN OO KALA AH AFAR DEKADOOD SAACADO GUDAHOOD LAGU SAXIIXAY. SAFIIRKA XILIGAA SOOMAALIYA U FADHIYEY DALKA ITOOBIYA, AYAA LAGA SHEEGAY IN UU YIRI ABIY AXMED IN UU MUQDISHO KA DEGEY QALABKA WARBAAHINTA AYAAN KA OGAADAY’

Cabdiraxmaan Warsame ayaa sheegay in looga baahan yahay baarlamaanka Soomaaliya in ay si feejigan u eegaan arrimahan oo ay maanka ku hayaan halisaha kasoo wajahan.

BAARLAMAANKA FEDERAALKA AYAAN UGU BAAQAYNAA IN UU DIB U EEGIS KU SAMEEYO HESHIISYADA DEG DEGA IYO MUGDIGU HAREEYEY.

Mr, Warsame wuxuu kaloo cadeeyey in dhiilada kasoo yeeraysa Kismaayo ee ay wadaan dawlad gobaleedyada oo laga jeesanayo ay keeni doonaan daganaansho la’aan siyaasadeed oo xoog leh, Madaxweynaha ayuu ku dhaliilay in uu mudnaan siinayo arrimo siyaasadda gobalka ah.

SU’AASHU WAXAY TAHAY MUXUU MADAXWEYNUHU DHAWAQA DHIILADA WATA EE KISMAAYO KA SOO YEERAYA ISAGA INDHA TIRAYAA? OO UU MUDNAANTA U SIINAYAA, UGUNA DEGDEGAYAA HESHIISYADA CAYNKAAN AH, ISAGOON DADKIISII WADAN, WALAALIHIISA DERISKA AH LA TASHAN, MAXAASE SHACABKA LAGA QARINAYAA.

LEAVE A REPLY