Caruur ka soo barakacay hanjabaad Al-Shabaab oo gaaray dhuusa mareeb

Caruur ka soo barakacay hanjabaad Al-Shabaab oo gaaray dhuusa mareeb

0
SHARE

Dagaalamayasha Al-ShabAab ayaa maalmihii ugu dambeeyay u hanjabay   dad rayid ah oo ku sugan Gobalka Mudug , si ay bulshada halkaasi ku nool ugu qasbaan in ay ku wareejiyaan caruur ay afkaartooda baraan, isla markaana ay tababar ciidan siiyaan.

Tan iyo dhammaadkii bishii August ee 2018,  Al-Shabaab ayaa waxaa ay ku amreen  odayaal, macallimiin iyo dadka reer miyiga ah in boqolaal carruur ah oo qaarkood ay 8 jir yihiin ay ku soo wareejiyaan, ama ay dagaal wajahayaan.

Ololaha baahsan ee  caruurta  lagu askareynayo ayaa  Al-Shabaab waxaa uu gobolada dhexe ka bilaabay  bartimihii sanadkii  aanu soo dhaafnay

Waxaa ay  weeraro  la beegsadaan  beelaha diidda in ay caruurtooda ku biiriyaan dagaalamayaasha alshabab.

Boqolaal carruur ah oo ay wehlinayaan waalidkooda ayaa maalmihii  la soo  dhaafay oo xalay u dambeeysay ka soo barakacay guryahooda, si ay uga badbaadaan qorshaha  qasabka ah ee Al-Shabab wadaaan.

Waxaana Magaalooyinka ay tageen  caruurtaasi ka mid ah magaalada dhuusamareeeb,  waxaan tirada ugu dambeeysay ee timid garayaaan 20  caruur ah.

Maamulka galmudug ayaa caruurta waxaa  uu u sameeyay meel lagu xanaaneeyo caruurta waxan lagu baro, maadaama dhul aad u fog ay ka yimaaadeen.

Ololaha baahsan ee  caruurta  lagu askareynayo ayaa  Al-Shabaab, waxaa uu gobolada dhexe ka bilaabay  bartimihii sanadkii  aanu soo dhaafnay ee 2017-ka.

LEAVE A REPLY