Daawo Sawirada Gudiga Gob oo lagu Warejiyay $4,000(Afar kun oo...

Daawo Sawirada Gudiga Gob oo lagu Warejiyay $4,000(Afar kun oo doolar) oo ay iska soo Aruuriyen Maamulka iyo Bulshada Degmada Sadexhiglo

0
SHARE

Gudoomiyaha Degmada Sadexhiglo Gobolka Mudug Ee Galmudug Khaliif Warsame Cawl oo ay wehliyaan qaar ka mid ah wax garadka degmada sadexhiglo ayaa guddiga mashruuca kheyriga ah ee gob ku wareejiyay lacag

Mas’uuliyiinta Guddiga Gob oo ay ka mid yihiin Cabdi kariin shekh axmed,C/laahi Axmed faarax iyo Axmed cali aadan(goobe)oo lacagtaan kala wareegay maamulka iyo wax garadka sadexhiglo waxay uga mahad celiyeen kaalinta ay kaga jiraan ka qeyb galka hawlaha hormarinta deegbnada galmudug ee ay gacanta ku hayaan Gob.

“Lacagtaan waa wajigii koowaad qaaraan horey loogu qorey bulshada sadexhiglo qeybna ka ah tabarucaadda dhismaha wadada xariirisa gaalkacyo iyo hobyo ee mashruuca kheyriga ah Gob,waxaan maanta wareejineynaa $4,000 (afar kun oo doolarka mareykanka ah) oo ka timid bulshada reer sadexhiglo inta dhiman dib ayaan iskugu laabaneynaa waana diyaarineynaa”Sidaas waxaa warbaahinta usheegay gudoomiyaha Sadexhilo Khaliif warsame cawl daqarre.

Degamada Sadaxiglo aya waxa ay ka Mid tahay Degmooyinka qayb wayn ka qadanaya  dhismaha wadada isku xiraysa Gaalkcyo iyo Hobyo Waxana  ay Sidoo kale  Bulshada degankasi ku wacyi Galiyaan in ay ka qayb Qaatan horumarka Deganka iyo Sidoo kale bilicda Gobalka

 

LEAVE A REPLY