Daawo Sawirada Ra’iisul wasaare ku Geeriyooday Shil Baabuur

Daawo Sawirada Ra’iisul wasaare ku Geeriyooday Shil Baabuur

0
SHARE

Xukuumadda  Jamhuuriyadda Abkhazia ee ka go’day Georgia ayaa sheegtay in ra’iisul wasaarihii Jamhuriyaddaasi uu ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay dalkaasi.

Warbaahinta Ruushka ayaa kusoo warrantay in ra’iisul wasaare Gennady Gaguliya uu la socday kolonyo baabuur ah oo ka dhaqaaqay garoonka diyaaradaha ee ku yaalla magaalada Sochi ee dalka Ruushka, xilliggaasina uu shilka dhacay.

Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Abkhazia, Gennady Gaguliya ayaa kamid ahaa wafdi dhawaan gaaray dalka Suuriya.

Abkhazia ayaa ka go’day Georgia sannadkii 1992-dii xilliggaasi oo ay taagnaayeen dagaallo sokeeye balse caalamka aqoonsi kama aysan helin.

Dowladda Abkhazia ayaa waxaa taageera dowladda Ruushka

LEAVE A REPLY