Daawo Sawirada ;Sacuudiga Oo Qoorta Ka Jaraya Sheekh Ka Mid Ah...

Daawo Sawirada ;Sacuudiga Oo Qoorta Ka Jaraya Sheekh Ka Mid Ah Kuwa Ugu Aqoonta Badan Dunida

0
SHARE

Dawladda dalka Sucuudiga ayaa lagu eedeeyay in ay go’aan ku gaadhay in ay disho Dr Salmaan Al Cawda oo ka mid ah Culimada Islaamka ugu cilmiga badan ee isku darsaday aqoonta diinta Islaamka iyo tan maadiga ah.

Xeer-ilaalinta dalka sucuudiga ayaa waxa ay codsadeen in Dr Salmaan Al Cawda lagu xukumo in qoorta laga jaro kadib markii ay sheegeen in uu isticmaalay hadallo ka dhan ah boqorka dalka Sucuudiga Salmaan Bin Cabdilcasiis iyo wiilkiisa Maxamed Bin Salman.

Wararka ayaa sheegaya in Dr Salmaan Alcawda maxkamadda lagu soo taagay eedaymahaasi balse waxa uu sheegay in waxa kaliya ee lagu haystaa ay tahay in uu doonayo in dalalka Carabtu ay heshiiyaan.

Dr Salmaan Alcawda ayaa waxa uu bartiisa twitterka soo dhigay maalintii dalka yar ee Qatar la hareereeyay hadal duco ah oo uu ku yidhi “ Alle ha mideeyo quluubtooda oo ha isku soo jeediyo si ay uga fekeraan waxa u wanaagsan dadkooda”.

Sheekhan ayaa waxa bartiisa twitterka ku xidhan 14milyan oo ruux waxaana uu ka mid yahay dadka ugu raacyada ama (flowers-ka) badan dunida carabta oo dhan.

Wargeyska ku hadla afka dawladda ayaa qoray in Dr Salmaan Alcawda lagu soo oogay 37 qodob oo dembi ah kuwaasi oo ka soo horjeeda shuruucda dalka , waxaana ka mid ah in uu waday kicin dadweyne iyo in dawladda la af-gambiyo.

Wiilka uu dhalay Dr Salmaan Alcawda oo la yidhaahdo Cabdalla ayaa waxa uu bartiisa twitterka kusoo qoray in shaqada uu aabihii hayay ay ahayd in uu difaaco diinta islaamka hayayna dariiqii suubbaneheenna Muxamed (NNKH), waxaanu tilmaamay in aabbihii lagu haysto maxaad u aas aastay ururka Al-nusra oo ka dhisan dalka Kuwait kaasi oo u ololeeya in dadka reer yurub iyo dhammaan adduunka la baro habdhaqankii wanaagsanaa ee Nebi Muxamed (NNKH).

Dr Salmaan Alcawda ayaa waxa uu xubin ka ahaa ururka baadhitaanka , qeexitaanka iyo soo saarista Fatwooyinka ee Yurub (European Council for Fatwa and Research) kaasi oo ay ku jiraan dad muslim ah oo waxbartay, sidoo kale waxa uu xubin ka ahaa International Union Of Muslim Scholars kaasi oo ku ay wada jiraan Sheekh Qardawi .

Amnesty International ayaa sheegtay in doonitaanka xeerbeegtida Sucuudigu ay ku rabaan inay qoorta uga jaraan ninkan ay sii kordhinayso walaaca iyo ku tumashada xuquuqda bani aadamka ee dalka Sucuudiga ka jirta waxaana ay sheegtay in warkani yahay mid dhibaya qalbiyada bani’aadamka.

LEAVE A REPLY