Daawo Sawirada Shabaab Oo Gaari,Qori AK47 Ah & Agab Kale Siiyey...

Daawo Sawirada Shabaab Oo Gaari,Qori AK47 Ah & Agab Kale Siiyey Nin Ugaas Ahaa

0
SHARE

Deegaan katirsan Jubbooyinka oo Shabaabku Maamulaan ayaa waxaa lagu Qabtay Xaflad Ugaas Cusub Lagu Caano shubay.

Al Shabaab ma aysan sheegin deegaanka Magaciisa Ay Xaflada ku qabteen balse waxaa lagu arkayey Haween iyo Odayaal goobta kusugnaa.

Sawiro lagu faafiyey Caawa qaar ka mid ah Baraha Bulshada,oo ay ka muuqdeen Ugaaska la sheegay in Beesha Bartire Ee Jubbooyinka Dooratay.

Gudoomiyaha Al Shabaab ugu magacaaban Gobollada Jubbooyinka Maxamed Abu Cabdalla ayaa Dhiil Caano ku jireen,Gaari Nuuca Borobokiska ah,Qori AK47 Ah iyo Booshkiisa ku wareejiyey Ugaaska La doortay.

Al Shabaab ayaa Odayaasha Deegaanadooda kusugan waxay ku Qasbaan inay dagaalamaan oo ay weerarada lagu qaado deegaanada laga qeyb geliyo.

LEAVE A REPLY