Daawo Sawiro; Jamacad cusub oo galkacyo laga furay

Daawo Sawiro; Jamacad cusub oo galkacyo laga furay

0
SHARE

Magalada Galkacyo ee xarunta Gobalka mudug ayaa waxa laga furay jamacada modern faraceeda Galmudug

Munaasibad balaaran oo ay kaqeyb galin masuuliyiin isku jirah heer gobal heer degmo wasiiro xildhibaano odayaal dhaqameed qeybaha kala duwan ee bulshada Galkacyo  ayaa lugu qabtay gudaha magalada galkacyo

masuuliyiinta iyo bulshada munaasibada kahadlay waxay soodhaweeyeen Jamacada cusub ee modern ee galkacyo laga furay xili baahi weyn looqabay jamacad calami ah oo galkacyo laga hirgaliyo

Masuuliyiinta Goobta kahadlay waxa kamid aha duqa galkacyo xirsi yuusuf bare gudoomiya gobalka cabdirashiid xaashi cartan Wasiir kuxigeenka dhalinyarada iyo ciyaaraha abshir cabdi shiiqow

dhamaan masuuliyyintaan goobta hadalka kajeediyay waxay kahadleen tayada horey looga bartay jamacada modern oo moqdisho xarun weyn kuleh

waxayna soodhaweyn iyo bogaadin udireen howl wadeenada jamacada modern qeybta galkacyo ayagoona ugu baaqay shacabka gobalka mudug in ay kafaaidaystaan fursadaha waxbarasho ee modern ay gobalka keentay

Mamulka iyo macaliinta modern ayaa dhankooda shacabka galkacyo balanqaaday aqoon iyo dadaal ay bulshada lagarabtaaganyihiin

ugu danbeyn qaar kamid ah shacabka galkacyo oo aan ladhaxqaadnay codbaahiya daljire media ayaa soodhaweeyay jamacada cusub ee gobalka mudug kusookortay xili baahi weyn shacabka galkacyo

Sanadkasta ardada kabaxda gobalka mudug qeybta galmudug waxay waxbarasho u aadi jireen magaalooyin kale sida moqdisho iyo Borame taas oo sabab u ah in galkacyo qeybta galmudug ay kutaalay hal jaamacad oo kaliyaha taas oo aan daboolin ardada qalinjisa oo tiro ahaan aad ubadan

Hada Galkacyo waxay kutilaabsanaysaa Horumar dhanka waxbarashadaah waana mida ay modern kaduulayso in ay kaqeyb qaadato

HOREY UGAAR Modern university for science & TechnoloGy Xarunta galkacyo

LEAVE A REPLY