Daawo Sawiro Qurux badan oo laga soo Qaaday Gudaha...

Daawo Sawiro Qurux badan oo laga soo Qaaday Gudaha Diyaarad Hadyad ahan loo siiyay Madaxweynaha dowlada Turkiga Recep Tayyip Erdogan

0
SHARE

Dowlada Qadar ayaa Turkiga ugu deeqday Diyaarad la sheegay in ay tahay nuuca Dunida ugu qaalisan, waxaana Diyaaradan qiimaheedu gaarayaa aduun lacageed oo dhan 500 milyan doolar.

Madaxweynaha dowlada Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Amiirka dalka Qadar Sheikh Tamiim Al Thani ugu deeqay dowladiisa mid kamid ah Diyaaradaha Dunida ugu qaalisan .

Waxa uu sheegay Erdogan in Amiirka dalka Qadar ugu deeqay Diyaarad nuuceedu yahay  Boeing 747-8i kaddib markii uu maqlay in Turkiga uu doonayo aadna u xiiseenayo in diyaraaddaasi  soo iibsato.

Diyaaradda Boeing 747-8i ee dowlada Turkiga loogu deeqay ayaa la sheegay in ay tahay diyaaradda khaaska ah ee ugu wayn ugu qaalisan dunida, waxaana diyaaradan si weyn u xiiseenayay Madaxweynaha Turkiga.

Kooxaha Mucaaradka Turkiga ayaa horey ugu eedeeyay  Erdogan in uu doonayo in diyaarad qaali ah kusoo iibsado lacagta shacabka xili dalka uu ku jiro khalalaase dhaqaale, hasa ahaatee waxaa arintaasi meesha ka saartay  Qadar oo Turkiga ugu deeqday Diyaaradaas .

LEAVE A REPLY