Dagaal Kooban oo Duledka Cadado ku Dhax Maray Ciidamo ka Yimid...

Dagaal Kooban oo Duledka Cadado ku Dhax Maray Ciidamo ka Yimid Gaalkacyo kuna sii Jeeday Dhuusamareb iyo Kuwo Dagna Duledka Cadaado Aklhriso Khasaraha Dagaalka

0
SHARE

Ciidamo ka tirsan Galmudug ayaa xalay waxa ay israsaaseyn ku dhexmartay duleedka degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ciidamada ammaanka.

Israsaaseyntan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii ciidamo ka tirsan Galmudug oo ka ambabaxay Gaalkacyo kuna sii jeeday Dhuusamareeb ay is hor istaag ku sameeyeen ciidamo kale oo ku sugnaa duleedka magaalada Cadaado.

Waxaa la xaqiijiyay in iska hor imaadkan uu ku dhintay Hal askari, halka ay ku dhaawacmeen Laba kale oo ka mid ah dhinacyada wada dagaalamay ee ka wada tirsan Ciidamada Galmudug.

Masuuliyiinta Galmudug oo aan la xiriirnay ayaa waxa ay inoo sheegeen in ciidamo ay ku baxeen goobta uu falka ka dhacay, islamarkaana ay socdaan baaritaano falkan la xiriira, si loo ogaado cida qaladka leh.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Cadaado ayaa waxa ay sheegayaan in magaalada laga dareemayo israsaaseynta xalay dhacday, sidoo kalena ay jirto cabsi kale oo ku aadan in markale ay wax dhacaan.

13-kii bishan ayay aheyd markii ciidamo ka tirsan Galmudug ay diideen inay Cadaado galaan ciidan kale oo ka yimid dhanka Gaalkacyo, sababo la xiriira xiisada siyaasadeed ee ka dhex jirta madaxda Galmudug.

LEAVE A REPLY