Deg Deg Madaxweyne ku xigeenkii Galmudug iyo G. Barlamanka oo Mooshin...

Deg Deg Madaxweyne ku xigeenkii Galmudug iyo G. Barlamanka oo Mooshin xil ka qaadis ah laga gudbiyay

0
SHARE

Xildhibaano ka tirsan golaha baarlamaanka Galmudug ayaa mooshin xil ka qaadis ah ka gudbiyay Gudoomiyaha golahaasi iyo Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, ka dib kulan ay ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb.

Kulanka mooshinka lagu soo gudbiyey waxaa guddoominayey guddoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka Galmudug, Xareed Cali Xareed.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Cali Gacal Casir oo jooga Muqdisho ayaa sheegay “inaysan jirin xildhibaanno uu aqoonsan yahay oo ku shiray Dhuusamareeb”.

Arrintan ayaa qayb ka ah xurgufta u dhaxaysa hogaanka sare ee maamulka Galmudug, taasoo si aad ah u soo ifbaxday wixii ka dambeeyey Sabtidii, markaasoo ay madaxda maamul goboleedyada ku dhawaaqeen inay xiriirka u jareen dawladda federaalka ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY