DEG DEG: Qarax Culus Oo Ka Dhacay B/weyne & Korontadii Magaalada Oo...

DEG DEG: Qarax Culus Oo Ka Dhacay B/weyne & Korontadii Magaalada Oo Go’day

0
SHARE

Qarax Weyn ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada B/weyne Ee Caasimada Gobolka Hiiraan,kaas oo lala Eegtay Ciidamada AMISOM.

Qaraxa ayaan weli la ogeyn nuuciisa balse goob joogayaal waxay sheegeen in jugtiisa meelo kala duwan laga maqlay khasaarahana aan la ogaan Karin.

Miino ayaa dadka qaar ay inoo sheegeen in lala Eegtay Qaraxaasi Ciidamada Jabuutiyaanka,kadib Qaraxana waxay ciidanka fureen rasaas xoogan oo afarta dhinac ufureen.

Xaafada Xaawo Taako Ee Magaalada B/weyne ayuu ka dhacay Qaraxa,welina faah faahin badan lagama hayo waxyeelada ka dhalatay.

Dhinaca kale Korontadii Magaalada B.weyne ayaa go’day sida ay dadka inoo sheegeen oo qaraxa markii dhacay kadib taas oo shaqo badan Korontada awgeed cuuryaamisey.

NAGA FILO FAAH FAAHIN WIXII SOO KORDHO INSHA ALLAAH

LEAVE A REPLY