Dhagayso Xildhibaan ka Tirsan Galmudug oo Taageeray Xil ka qaadistii Gudoomiyaha Baarlamaanka...

Dhagayso Xildhibaan ka Tirsan Galmudug oo Taageeray Xil ka qaadistii Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug

0
SHARE

Xilli Maanta Mudanayaasha Baarlamanka Maamulka Gal-mudug Ay Codkii kalsoonida Kala Laabteen Guddoomiyaha Baarlamanka Gal-mudug Cali Gacal Casir Ka Dib Kulan Ay Ku yeesheen Magaalada Dhuusa-Mareeb Ee Xarunta Maamulka Gal-mudug Ayaa Xil Ka Qaadistaas Waxaa Taageeray Xildhibaano Ka Tirsan gal-mudug.

Xildhibaan max’ed Xuseen Tahliil ( Calool Geel) Oo Ka Mid Ah Xildhibaanada Baarlamanka Gal-mudug Oo Wareysi Siinayey Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ee Cadaado Ayaa Waxa Uu Sheegay In Xil Ka Qaadista Guddoomiye Casir Loo Maray Waddo Sharci Ah.

Xildhibaan Calool Geel Waxa Uu Sheegay In Codka Kalsooni Kala Laabashada Guddoomiyaha Baarlamanka Gal-mudug Cali Gacal casir Ay U Dhacday Sidii Loo Baahnaa.

Dhinaca kale Xildhibaan Max’ed Xuseen Tahliil Calool Geel Oo hadalkiisa Sii Wata Ayaa Waxa Uu Tilmaamay In Guddoomiye Casir Uu Laf Dhuun-gashay Ku Ahaa Midnimada Maamulka Gal-mudug Sida Uu Hadalka U Dhigay.

LEAVE A REPLY