DHAGEYSO: Axmed Madoobe oo mar kale Weerar afka ah ku qaaday Farmaajo...

DHAGEYSO: Axmed Madoobe oo mar kale Weerar afka ah ku qaaday Farmaajo iyo Kheyre

0
SHARE

Hogaamiyaha mamulka Jubaland ayaa Eedeeymo culus oo dhanka amniga ah mar kale usoo jeediyay madaxada dowlada federaalka ah ee somaliya xili wali uu jiro qilaaf xoogan oo u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo DF

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed islaam Madoobe waxaa uu sheegay in shacabka Muqdisho oo ah halka kaliya ee dowlada dhexe joogo ay la noolyihiin wel wel joogto ah oo la rixiira amnigooda filashada Qaraxyo markasta dhici kara.

Waxaa uu sheegay sababta ugu weyn ee dhalisay qilaafka dowlada Fedraalka iyo maamul goboleedyada inay tahay arimaha amniga oo xiliyadii danbe gaabis badan galay.

Madoobe ayaa sidoo kale sheegay inay muhiim tahay ciidamada DF iyo kuwa AMISOM in ay difaacyada ka baxaan oo weerar ku qadaan dagaalamayaasha alshabaab si ay u wayaan fursad iyagu weeraro ku fuli karaaan.

LEAVE A REPLY