DHAGEYSO: Galmudug Oo Ka Digtay Arin Dagaal Keeni Karta Oo Ka Jirto...

DHAGEYSO: Galmudug Oo Ka Digtay Arin Dagaal Keeni Karta Oo Ka Jirto Garowe

0
SHARE

Maamul Gobolleedka Galmudug Ayaa ka digay in dhibaato ay abuurto iyo Colaad aan la mahdin doonin Arin hadda ka taagan Magaalada Garowe.

Wasiirka Cadaalada Galmudug Maxamed Cabdi Maxamed ayaa sheegay maanta isagoo kula hadlay Warbaahinta Qaar Gaalkacyo inay Puntland ka doonayaan si deg deg ah usoo deyso Dhalinyaro ku xir xiran Xabsi ku yaalla Garowe.

Dhalinyaradaas waxa lagu Eedeeyey Inay katirsanaayeen Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida,islamarkaana la sheegay in cadaalad aysan helin oo dacwada lagu soo oogay ay waxba ka jirin.

Wasiir Maxamed Cabdi ayaa fariin udiray Dawlada Dhexe Ee Soomaaliya iyo Maamulka Puntland uu ka dalbaday in lasoo daayo dhalintaas Ku Xiran Garowe oo aan la abuurin colaad keenta in la dagaalamo.

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Puntland oo ay kaga jawaab celineyso Baaqa kasoo yeeray Dhanka Galmudug.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA:

 

LEAVE A REPLY