Dhageyso:-Madaxweyne Waare “Hirshabeelle Iyo Galmudug Hadii Ari Daganyahay Waa La Arki Doonaa”...

Dhageyso:-Madaxweyne Waare “Hirshabeelle Iyo Galmudug Hadii Ari Daganyahay Waa La Arki Doonaa” siyaasada oo cirka isku sii shareertay

0
SHARE

Hadalkaan ayuu Maanta sheegay Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle oo galabta dib ugu soo laabtay Magalada Muqdisho,kadib markii uu Kismaayo uga qeyb galay shirkii Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Maxamed Cabdi Waare ayaa waxaa Muqdisho ku soo dhaweeyey ku xigeebnkiisa Cali Guudlaawe Xuseen,Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Waare oo Warbaahinta ka hadlay ayaa marka hore cambaareeyey weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee Maanta lagu qaaday Xarunta Maamulka degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir.

Waxa uu sidoo kale sheegay in shirkii ka dhacay Magalada Kismaayo uu ahaa mid ku soo aaday waqti xasaasi ah,isla markaana shirkaas qodobadii ka soo baxay ay ahaayeen kuwo mudo badan qalbigooda ku jiray balse si nabad ah ay wax ku raadinayeen.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in xaalada Amni ee dalka haatan ay tahay mid an u xun,isla markaana aysan jirin istiraatiijid la’isku ogyahay,hayeeshee qeylo-dhaan badan ay u gudbiyeen dowladda Federaalka aan wax jawaab ah laga bixin.

“Waa markii Shanaad oo Guddiga Amniga ay isku-yimaadaan,anaga Hir-Shabeelle hadaan nahay culeys Gooni ah ayaa naheysta,waxana rabnay inaan sinabad ah meel walba ku marno balse dagaal aanan nagala tashan ayaa Shabaab lagu qaaday,hadana waa taas amnidarro ayaa ka jirta.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Amniga Muqdisho aan laga difaaci Karin Xamar Dhexdeeda balse Maamulka Hir-Shabeelle uu soo gudbiyey Naqshad ah in laga difaaco labada Shabeelle una gudbiyeen AMISOM laakin dowladda Soomaaliya weli wax qorsho ah kama helin.

LEAVE A REPLY