Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada Galmudug Iyo Hir-Shabelle Oo Natiijadii Shirkii Kismaayo Ku Tilmaamay Riyo

Gudoomiyeyaasha Baarlamaanada Galmudug Iyo Hir-Shabelle Oo Natiijadii Shirkii Kismaayo Ku Tilmaamay Riyo

0
SHARE

Cali Gacal Casir guddoomiyaha baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed ayaa hadalkaan waxa ay sheegen in xilli Maanta ay ka qeyb galayeen Furitaanka kal-fadhiga 4aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa sheegay in Warmurtiyeedkii ka soo baxay shirka Kismaayo uu yahay mid an wax wadatashi ah laga sameyn,isla markaana warkaas uu yahay mid riyo ah.

”Warka ka soo baxay Shirkii Kismaayo waa mid lagu kordhinayo dhibaatooyinka  ka jira Galmudug,waana mid aan waxba ka jirin oo riyo ah, Wixii ka soo baxay shirkaas leyskalama tashan mana na meteli karaan,waxana codsaneynaa in ilgaar ah lagu haayo

Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed aya isna waxa uu sheegay in dowladda iyo dowlad Goboleedyadu aysan aheyn kuwo kala maarma.

“Dowladdu waa jir, dowlad gobolleedyaduna waa xubin. Xubin iyo jirna kalama maarmaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo soo sirasia ah u furay kal-fadhiga 4aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY