Hogaamiyaasha Galmudug o midba midka kale uu Xilka ka qaaday iyo...

Hogaamiyaasha Galmudug o midba midka kale uu Xilka ka qaaday iyo Sheikh Shakir oo wali Xilkisa Haya Maxay Tahay Sababtu?

0
SHARE

HM__Xafiiska Cadaado Xubno ka kala Socda Barlamanka Galmudug oo ku kala Shiray Magaalooyinka Cadaado  iyo Dhuusamareeb aya Xilalka ka kala Xayuubiyay Hogaamiyashii ugu Sareeyay Maamulka galmudug

Madaxweynaha Galmudug , Ku Xigeenkiisa, Gudoomiyihii Barlamanka iyo Ku Xigeenkiisa aya intaba xilalka laga qaaday siyaabo kala duwan inkastoo labada kooxood ay garabka garabka kale uu beeniyay in Xil ka qaadis sharci ah lagu sameeyay

Madaxweyne ku xigeenkii Galmuduga aya Maanta asna Xilkiisii ku waayay is Qab qabsiga Siyaasadeed ee wali hareeyay Galmudug Waxaana  arintan ay salka ku haysa Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Dowlada dhexe iyo Masuuliyinta ugu saraysa Galmudug iyadoo arintan ay soo shaac Baxday  markii Madaxda Maamul Gobaledyada ay Xiriirka u jareen  Dowlada Dhexe ee Soomaliya

Hadaba Mawjawadaha Siyasadeed aya Waxa ka Badbaaday Sheikh Maxamed Shaakir oo wali xilkiisa haya  waxana  dad badan ay is wayidinayaan sababta aan xilka looga qaadin sheikh shaakir iyo  cida awooda u leh in ay xilka ka qaadaan

Siyaada  Qasan ee Galmudug waxa ay Keentay in siyaabo kala duwan barlamanka galmudug ay xilka uga qaadan waxana arintan loo aaneenaya in ay ka danbeyso dowlada soomaliya madaxdeeda ugu saraysa

Sikastaba ha ahaatee  waxaa jira Gudiyo kala duwan oo isku daya in ay xaliyaan khilaafka Madaxda Galmudug waxana ka mid aha Xubnaha aqalka sare ee laga soo doorto deganada Galmdug isla markana ku jira dowlada dhexe ee somaliya

Wixii Warar ah oo ku soo kordha kala Soco Hobyomedia.com

Filo Warar Cusub oo arintan ku saabsan Goordhaw

LEAVE A REPLY