Israel Oo Uga Digtay Muwaadiniinteeda In Ay U Safraan Dalal Somalia Ay...

Israel Oo Uga Digtay Muwaadiniinteeda In Ay U Safraan Dalal Somalia Ay Ku Jirto.

0
SHARE

Guddiga Amniga Qaranka Israel ayaa uga digay Muwaadiniinta maamulkaas in ay u safraan dalal ay ka mid yihiin Somalia , Iran iyo Iraq , Syria ,Lubnan , Masar iyo India.

Sarkaal Sare oo ka tirsan Guddigaasi ayaa hoosta ka xariiqay in dalalka ugu daran oo sida gaarka ah loogu Bartilmaamsan karo Muwaadiniinta Israel ay ka mid yihiin Somalia iyo Masar kuwaas oo uu sheegay in ay ku sugan yihiin Ururo halis oo ku xiran wax uu ugu yeeray Argagixisada Al Qacida.

Waxaana baaqa Israel yimid xilli Yahuudu guda galeyso Fasax Ciideedyadooda sanadlaha ah.

 

LEAVE A REPLY