Kudhawaad 70 Oday Oo Shabaab Ku Afduubteen G/gaduud Xaalad Halis AH Galay

Kudhawaad 70 Oday Oo Shabaab Ku Afduubteen G/gaduud Xaalad Halis AH Galay

0
SHARE

Maalintii Seddexaad ayey Xabsi ugu jiraan Odayaal gaaraya kudhawaad 70 Oday Dhaqameed Ururka Al Shabaab.

Habeen hore ayaa dadkani laga soo qafaashay Deegaanka Gal qoryaale Ee Gobolka G/gaduud halkaas oo ay degganaayeen.

Oday ka mid ah Ragga La Qafaashay ayaa xanuunsaday oo Dhiikar qaba,qaar Sonkor qabana waa ay ku jiraan oo Xaaladooda laga deyrinayo.

Waxa ugu Weyn Ee Shabaab Odayaashani uxireen ayaa ah inay sidii la rabay Ubixin Magta Dilal hore udhacay oo Beesha ay kasoo jeedaan lagu ballamay in Sanad walbo bixiyaan Lacag dhan 100 Halaad Oo Geel ah,Sanadkii 1aad ay bixiyeen balse Sanadkaan aysan bixin sidaana loo xiray.

Saldhig ku yaalla Magaalada Ceel buur Ee Shabaabku leeyihiin ayaana lagu xiray sida ilo muhiim ah xaqiijiyeen.

Cusmaan Baraale oo isagoo Guriceel Jooga Warbaahinta la hadlay kuna heyb ah Odayaashani waxa uu sheegay inay wadaan qorshe lagu soo deynayo Waxgaradka qaarkood xanuunsan sida la sheegayo.

Beesha waxgaradka laga watay waxay sheegeen in iyaguba aysan helin Cadaalad oo qof laga dilay ay Shabaabku war geliyeen loona sheegay in la khisaasayo balse weli aan la dilin qofkii qofka ka dilay Beeshooda.

LEAVE A REPLY