Madaxweynihii Hirshabelle oo Dowlada Somaliya la Heshiiyay iyo Madaxweynaha 2aad Ee...

Madaxweynihii Hirshabelle oo Dowlada Somaliya la Heshiiyay iyo Madaxweynaha 2aad Ee Laga Yaabo Inuu La Heshiiyo DF-ka

0
SHARE

Dawlad Gobolleedyada ayaa hadda umuuqda mid kasoo dabcaya Mowqifkii Adkaa Ee Ka taagnaayeen inay DF-ka isku loogaan wada shaqeyntiina ay ubadan tahay inay soo celiyaan.

Waxa kala fur furaya Khilaafkii jiray Golaha Aqalka Sare oo gudiyadii loo diray ay badankood sameeyeen isku soo dhawaanshiyo Madaxdii ay la kulmeen oo raali ka ah in DF-ka la wada hadlaan.

Madaxweynaha HirShabelle ayaa waxa uu isagu noqday mid ka mid ah Xubnihii Golaha Iskaashiga Dawlad Gobolleedyada oo ka laabtay Go’aankii DF-ka uu ku mucaaradayey si cadna usheegay inuu La heshiiyey Dawlada Dhexe.

Kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho maalmo ayaa is jiid jiid kadib waxa Xukuumada Kheyre ay ku guuleysatay inay Madaxweyne Waare ka ogoleysiiso in Dawlada uu la heshiiyo.

Madaxtooyada Soomaaliya ayuu Saxaafada kula hadlay arbacada maanta ah waxaana uu shaaca ka dhigay in DF-ka ay iskula afgarteen in Mugdiga wixii siyaasadeed kala dhaxeeyey HirShabelle la iftiimiyo heshiisna laga gaaray.

Hadda waxaa loo badinayaa in Madaxweynaha 2aad Ee Dawlad Gobolleedyada ee la heshiin kara Dawlada Dhexe uu yahay Kan Puntland C/weli Cali Gaas oo isku soo dhawaanshiyo baaxad leh isaga iyo Gudiga Aqalka Sare laga dhex muujiyey.

Madaxweynayaasha Galmudug,Jubbaland iyo Shariif Xasan waxay ku taagan yihiin Hal Lug,iyagoona ay ubadan tahay in marka dambe ay is qadimaan iyaguna oo ay wadahadalka ogolaadaan.

LEAVE A REPLY