Maleeshiyaad Gurmad U Ahaa Dagaalka Ka Socda Deganka Daac dheer ee Galmudug...

Maleeshiyaad Gurmad U Ahaa Dagaalka Ka Socda Deganka Daac dheer ee Galmudug Oo Dhexda Loo Galay Akhriso Gadiid la Gubay iyo Qasaha Dhismasho iyo Dhawac

0
SHARE

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya Deegaanka Daac Dheer Ee Duleedka Cadaado ku yaalla waxaa lasoo warinayaa in weli Dagaal xoogan uu halkaasi ka socdo.

Dagaalka ayaa labo Baleeshiyo Beeleed udhaxeeya,waxaana adag in la helo xogta Waxyeelada ka dhalatay Dagaalkaasi maadaama ilaa haatan uu socdo.

Wariyeyaal jooga Cadaado waxay sheegeen inay dadka qaar kasoo qaxeen Halka lagu dagaalamayo,xilli dad badan ay ku go’doonsan yihiin Deegaanka.

Deegaanka Daac dheer oo dhaca Wuqooyiga Gobolka Gal gaduud ayaa lasoo sheegayaa in dagaalkii Saaka bilowday uu ka socdo ilaa duhurnimadaan lana dareemayo weli hub uruursi.

Dhinaca kale Maleeshiyaad gurmad u ahaa mid ka mid ah Beelaha ku dagaalamaya Daac dheer ayaa waxa wadada ugalay maleeshiyaad ka madax banaan dhinacyada is haya.

Gaari C/bile ah ayaa Maleeshiyadaasi gurmadka ahaa la sheegay in laga gubay,inkabadan 10 ka mid ahaa Gurmadkiina la laayey oo meydkooda daadsan yihiin meel udhaw Daac dheer.

Xaalada Deegaanka waxa ay tahay mid kacsan,iyadoo laga cabsi qabo in Beelo hor leh ay saameyso dirirtaasi.

LEAVE A REPLY