Markab maanta ku soo caariyay Xeebta Deegaanka Gal-hagoog oo u dhaxeeya...

Markab maanta ku soo caariyay Xeebta Deegaanka Gal-hagoog oo u dhaxeeya Gaalkacyo iyo Hobyo

0
SHARE

Wararka naga soo gaaraya  Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Markab uu ka caariyay Xeebta Deegaanka Gal-hagoog oo u dhaxeeya Gaalkacyo iyo Hobyo oo dhamaantooda ka wada tirsan gobalka Mudug.

Dadka degaanka ayaa  Hobyomedia  u Sheegay in markabka laga arkay xeebta degaanka Gal-hagoog ee gobalka mudug,Waxaa ayna sheegeen in xiligan cabsi badan ay soo wajahday.

Ilaa iyo hada lama oga Markabka halka uu ka diiwan gashan yahay iyo cida iska leh.

Saraakiisha maamulka gobalka mudug ayaa Sheegay in ay wadaan dadaalo ku aadan sidii arimahaasi wax badan looga qaban lahaa,islamarkaana haatan ay socdaan gurmad ay wadaan Maamulkooda.

Inta badan Xeebaha Soomaaliya  ayaa waxaa kusoo caariya Maraakiibta iyo Doomaha Dalxiiska, madaama dadka deegaanka markii ay arkaan maraakiibta durbadiiba goobta ka sii carara.

LEAVE A REPLY