Maydka Haweeyney oo laga Helay Duleedka Degaanka Taaroge ee Gobalka Mudug iyo...

Maydka Haweeyney oo laga Helay Duleedka Degaanka Taaroge ee Gobalka Mudug iyo Ciidamada Galmudug oo halkaasi ku Baxay

0
SHARE

Wararka laga helayo  deegaanka Taaroge ee ka tirsan Gobalka Mudug ayaa sheegaya in Haweenay isku dal dashay Meydkeeda  lagu arkay  gobalkaasi.

Da’da Haweenayda is daldashay ayaa waxaa lagu qiyaasay 30 ilaa iyo 35 sano jir.

Dad deegaanka ayaa  hobyomedia u Sheegay  in ay arkeen Haweyneyda  oo geed ku yaalla halkaasi iska soo laad laadisay,isla markaana xarig qoorta looga xiray

warar  kala duwa aya ka soo baxaya  meydka haweyneydaasi waxana  socota baatis ku saabsan qaabka uu falkaasi u dhacay

Ciidamada Amaanka ayaa Gaaray goobta, Iyagoona halkaasi ka soo qaaday meydka Gabadha Is dal dashay.

Ilaa iyo hada lama oga Sababta ka dambeysay in ay haweenaydan is daldasho.

LEAVE A REPLY