SAWIRRO: MD Xaaf Oo ka Aqbalay Hal Arin Guddiga Golaha Aqalka sare

SAWIRRO: MD Xaaf Oo ka Aqbalay Hal Arin Guddiga Golaha Aqalka sare

0
SHARE

Guddiga Golaha Aqalka sare uu u xilsaaray Dowlad Gobaleedka Galmudug ayaa la kulmay Madaxda Maamulkaasi uu ugu horeeyo Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Kulanka ay yeesheen Guddiga Golaha Aqalka sare iyo Madaxda Galmudug ayaa kusoo dhamaaday Guul iyo Isfaham, iyadoo Masuuliyiinta Dowlad Gobaleedka Galmudug ay soo dhaweeyeen Doorka dhex dhexaadinta uu Aqalka sare u istaagay, iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin inay qaataan Doorka dhex dhexaadinta khilaafka jira.

Dhinaca kale Wafdiga ka socda Golaha Aqalka Sare ayaa maanta kulan kula yeeshay Magaalada Baydhabo ee Gobalka Bay Odayaasha Dhaqanka deegaanada Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed.

Kulankan ayaa ahaa is xog wareysi ah oo Wafdiga la yeelanayay qeybaha kala duwan ee Bulshada, wuxuuna kusoo dhamaaday in la isku afgarto waxyaabaha la isla soo qaaday.

Geesta kale Senator Axmed Xaashi Maxamuud oo hoggaaminaya wafdi ka socda Aqalka sare ayaa la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Jubbaland, waxaana Guddiga ay ka codsadeen Baarlamaanka Jubbaland inuu Warbixin ka siiyo tabashooyinka jira, Iyadoo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland uu balanqaaday inay Hab Qoraal ah usoo diyaarin doonaan Warbixinta Jawaabta ah uu ka sugayao Guddiga maalinta Khamiista.

Aqalka Sare oo gudanaya waajibkiisa dastuuriga ayaa u istaagay sidii loo heli lahaa isfaham iyo wada shaqeyn dhab ah.

LEAVE A REPLY