Shir Deg Deg ah Hogaamiyayaasha Somalia, Itoobiya iyo Eritrea oo maanta...

Shir Deg Deg ah Hogaamiyayaasha Somalia, Itoobiya iyo Eritrea oo maanta kulan ku leh Magaalada Asmara

0
SHARE

Hoggaamiyayaasha dalalka Soomaaliya.Itoobiya iyo Eritrea ayaa shir ku yeelanaya Magaalada Asmara ee Xarunta Dalka Eritrea.

Shirkan oo xoogga lagu saarayo khilaafka u dhaxeeya dalalka  Jabuuti iypo Eritrea ayaa waxaa si wadajir ah uga qeybgelaya Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Ra’islawasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa saaka ka degay Magaalada Dekadda leh ee Casab,halkaas oo uu kula kulmay Madaxwenaha  Eritrea.

Waxaa uu booqday qeybaha kala duwan ee Dekadda Casab oo 71km u jirta Sohdinta Itoobiya islamarkaana uu doonayaa in Badeecadaha Itoobiya kala soo degeyso Dekadda Casab in ay soo maraan waddo u dhaxeysa Casab iyo Itoobiya.

Wasiirka Warfaafinta Dalka Eritrea Yemane G. Meskel,ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in shirka uu furmayo Galabta islamarkaana madaxda saddexda dal ay yeelanayaan kulan muhiim ah.

Bishii July ee la soo dhaafay ayey Hoggaamiyayaasha Itoobiya iyo Soomaaliya booqdeen dalka Eritrea iyaga oo la saxiixday heshiisyo kala duwan.

Shirkan waxaa looga hadlayaa sidii Earitrea looga celin lahaa dhulka iyo Maxaabiista ay ka heysato Dowladda Jabuuti.

LEAVE A REPLY