XOG; Culus Sababta kadanbeysay Dib udhaca Doorashada Madaxweyna Galmudug ee cadaado kadhicilahayd...

XOG; Culus Sababta kadanbeysay Dib udhaca Doorashada Madaxweyna Galmudug ee cadaado kadhicilahayd oo la (ogaaday)

0
SHARE

HM__Xafiiska  Gaalkacyo Xog-Gaar ah oo ay heshay  Hobyomedia.com  ayaa sheegaysay in dib udhaca kuyimid Doorashada madaxweynaha Galmudug oo lafilayay in 30bishaan cadaado kadhacdo ay ubaaqatay latashiyo madaxda galmudug ee cadaado kusugan iyo barlamanka Galmudug ee cadaado jooga ay yeeshen  Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay madaxda iyo Barlamanka Galmudug qeybta cadaado ay isku afgarteen in waqti lasiiyo dadaalada Dowlada dhexe ay ugu jirto dhamaynta khilaafka Galmudug

Sidoo kale madaxda iyo Barlamanka cadaado jooga ayaa isla Gorfeeyay in waqti lasiiyo musharixiinta Xilka madaxweyne ee uhaqal taagaya in ay Galmudug Hogaamiyaan

Ilo lugu kalsoonan karo oo ku agdhow madaxda Galmudug ee cadaado jooga ayaa  Hobyomedia uxaqiijiyay Masuuliyiinta cadaado ay isha kuhayaan waxa kasocda Dhuusamareeb halkaas oo Gudoomiye Barlamaan iyo madaxweyne Kuxigeen lugu Dooranayo dhawaan

Labada Garab ee Galmudug Ku Hardamaya ayaa umuuqda kuwo iminka isku xiiqmay oo Difaac siyaasadeed ku ekaaday  kujirah

labada dhinac ayaa isha isku haya waxayna labada dhan yihiin kuwo Loolan culus ugu jirah Danahooda ayagoo meel iska dhigay kashaqeynta danta dadka iyo deegaanka

Galmudug uma baahna siyaasad kudhisan Dano shaqsiyaad Balse dadku waxqabad iyo isbadal ayay ubaahanyihiin

LEAVE A REPLY