XOG CUSUB: Madaxweyne Farmaajo oo u yeeray Gacan Sedexaad oo xalisa DF...

XOG CUSUB: Madaxweyne Farmaajo oo u yeeray Gacan Sedexaad oo xalisa DF & M/Gobaleedyada

0
SHARE

Warar hoose oo ay heleyso Warbaahinta Hobyomedia .com  ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu Urur Gobaleedka IGAD u bandhigay inay soo dhex dhexaadiyeen Dowlada iyo Maamul Gobaleedyada hoostaga.

Dowlada Soomaaliya ayaa dooneysa in heshiis laga gaaro khilaafka hareeyay Madaxda Dalka iyo Dowlad Gobaleedyada waxaana Urur Gobaleedka IGAD ay u aragtaa inay si fudud arrintan xal kaga gaari karto.

Madaxweyne Farmaajo oo diidanaa in gacan sedexaad soo fara galiso arrimaha Dowlada dhexe iyo maamulada hoostaga ayaa hada u muuqda inuu wax ka bedelay go’aankiisa maadaama Dowlad Gobaleedyada ay ka biyo diideen codsiyo dhowr ah oo Dowlada Federaalka ay hordhigtay.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa inoo sheegay in Warqada uu Madaxweynaha Soomaaliya u qoray Urur Gobaleedka IGAD ay ka dambeysay ka dib wada tashi Madaxda Dalka ay ka yeesheen sida xal looga gaari karo Xiisada taagan.

Dowlad Gobaleedyada ayaa ku eedeeyay Dowlada dhexe inay kaga baxday balamo dhowr ah oo ay la gashay taasoo sababtay inay xiriirka u jaraan, waxaana isku xilsaaray xalinta khilaafka Aqalka sare oo u muuqda inuu wali natiijo cad ka helin kulamadii ugu dambeeyay  ay la yeesheen Maamulada Puntland, Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Galmudug

LEAVE A REPLY