Xog Cusub : Puntland oo Hantidii dowlada somaliya ee gobalka mudug kudhisaysa...

Xog Cusub : Puntland oo Hantidii dowlada somaliya ee gobalka mudug kudhisaysa dekada Garacad & xeryo ciidan oo la iibinayo

0
SHARE

HM__Xafiiska Gaalkacyo Kulan shalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa lagu wareejinayey Xeradda Siinay ee magaalada Gaalkacyo Taasoo loogu talay galay in lagu kabo Dhismaha Dekeda Garacad ee gobolka Mudug.

Islaan Bashiir Islaan Cabdule Islaan Farax ayaa si rasmi ah loogu wareejiyey masuuliyada xero Siinay oo in ka badan 30 Sanno ahayd Xero ciidan oo dawladii hore ee Soomaaliya iyo Puntland Fariisin u ahayd.

Waxgaradkii ka hadlay kulankaasi ayaa dhamaantood waxay soo jeediyeen in masuuliyad dheer layska saaro Dhismaha Dekeda ayna tahay Hanti uu gobolka Mudug leeyahay loona baahanyahay in lawadda ilaaliyo.

Gudoomiyaha gobolka Mudug ee Dhanka Puntland Xassan Maxamed Khaliif ayaa dhankiisa wuxuu bogaadiyey dhismaha iyo mashaariicda noocan ah ee laga fulinayo gobolka Mudug wuuxuna sheegay inay la shaqayn doonaan.

Kulankaasi ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay Saraakiil in badan gacanta ku hayey  Xerada Siinay oo sheegay in la joogo xiligii lagu wareejin lahaa Hantida Shacabka Soomaaliyeed iyo tan gobolka Mudug ee Dhismaha Dekeda Garacad.

Kulankan oo ka dhacay Hotelka Al-Jasiira ee magaalada Gaalkacyo ayaa lagu sheegay in Xero Siinay ay tahay iib laguna wareejiyey gudiga Dismaha Dekeda Garacad ee gobolka Mudug iyadoona kulankaasi ay ka qayb galeen waxgaradka gobolka iyo Maamulka gobolka Mudug kan degmada Gaalkacyo.

Hantida gobalka mudug ee dowladii dhexe waxay kadhaxaysa shacabka somaliyeed ee gobalka mudug kuwaas oo xaq uleh in si siman loogu qeybiyo madaama lugu dhisay canshuurtii shacabka gobalka mudug

Gobalka mudug waxaa wada daga mamulada Galmudug iyo Puntland  Hantidii dowladii dhexe inta badan waxay kutaala dhanka Puntland sida garoonka weyn ee diyaarada galkacyo iyo xeryo ciidan warshado iyo goobo kale oo shacabka gobalka mudug loogu talo galay ina ay sidajir ah uga faaidaystaan balse taasi madhicin burburkii kadib waxa gacanta kuhaya puntland dhulkii dowlada ee gobalka mudug

Siyaasiyiinta iyo bulshada Galmudug qaarkood oo aan lahadalay waxay sheegeen in hantida dowlada dhexe loo bahanyahay in dib loogu celiyo dowlada si shacabka somaliyeed ee gobalka mudug loogu adeego

LEAVE A REPLY